Afhayeenka xukuumada Soomaaliya Macalimuu oo diyaarad gaar ah loogu duuliyay dalka Turkiga

Dhaawaca afhayeenka xukuumada Soomaaliya Maxamed Ibraahin Nuur Macalimuu oo shalay ku dhaawacmay qarax lagula eegtay magaalada Muqdisho ayaa goordhow loo duuliyay dalka Turkiga si caafimaadkiisa lagula tacaalo.

Diyaarad qaas oo kuwa caafimaadka oo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu dalbay ayaa loogaga qaaday Macalimuu garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyadoo ay hore u sii raaceen qaar ka mid ah ehelada iyo saraakiil ka tirsan xukuumada.

Xaalada caafimaad ee Maxamed Ibraahim Macalimuu oo hore u soo noqday xoghayaha ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed kana soo shaqeeyay warbaahino kala duwan ayaa wanaagsan inkastoo uu jiro jab ka soo gaaray lugta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More