Agaasimaha hay’ada socdaalka iyo jinsiyada oo sheegay inuu iscasilay

Jully. 07 (Jowhar.com)-Agaasimihii Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya C/qaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa shaaca ka qaaday inuu isk casilay xilkii hey’addaas, una gudbiyay istiqaaladiisa Wasaaradda Amniga Gudaha.

Bayaan uu soo saaray ayuu ku sheegay eedeyntan loosoo jeediyay in ay tahay mid siyaasadeysan oo xafiisyada lagu go’aamiyay, iyadoo la hiigsanayo jago iyo shaqo

Mr. Cabdul ayaa sheegay haddii uu garnaqsan lahaa inuusan jirin garsoor caddaalad ah oo la aamino karo. Wuxuu sheegay sharciga in gacmaha lagu wato.

Mr Cabdul ayaa ka mid ahaa 18 xubnood oo Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka ku eedeysay musuq maasuq iyo lunsasho xoolo dadweyne, waxaana eedeyntan uu ku tilmaamay mid siyaasadeysan oo Xafiisyada lagu go’aamiyay, iyadoo la hiigsanayo jago iyo shaqo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More