Agaasime cusub oo loo magacaabay Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha

Kulan ay maanta yeesheen Golaha Wasiiradda XFS ayaa lagu ansixyay in C/qaadir Cilmi Cali (Cabdul) uu noqdo Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha kadib soo jeedin Wasaaradda Amniga Gudaha iyadoo xilkii laga qaaday Agaasimihii hore Maxamed Aden Koofi.

Gollaha Wasiirada ayaa sidoo kale ansixiyay in Eng Abdulkadir Aden Maxamuud inuu noqdo Guddoomiyaha Batroolka Soomaaliyeed kadib soo jeedin Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More