Jan 06(Jowhar)-Agaasimihii hore ee hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa saaka lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aden Cadde, iyadoo ayq wehlinayeen labo kamid ah aasaasayaasha Midowga Haybqd Qaran.
xubnaha la socday ayaa kala ah Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed.
Ujeedkooda ayaa ah inay ka qaybgalaan shirka koowaad ee asaaska iyo daahfurka Xisbiga Haybad Qaran oo Muqdisho ka dhacaysa 8-da bishan Jannaayo.










