Ahlu Sunna oo la wareegtay deegaano ka tirsan gobolka Gadgaduud

Wararka ka imanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ururka Ahlu Sunna uu bilaabay inuu ku sii faafo deegaano horleh kadib toddobaad markii uu la wareegay magaalada Guriceel.

Howlgalo ay sameeyeen dagaalamayaasha Ahlu Sunna ayaa waxa ay kula wareegeen deegaano ka xiga dhinaca bari iyo dhinaca koofur magaalada Guriceel halkaa oo ay Alshabaab hore ugu sugnaayeen.

Xoogagga Ahlusunna oo ku hubeysan Gaadiidka Dagaalka ayaa gudaha u galay degaanno ay hore u joogeen Al-shabaab balse isaga baxay kahor intaysan soo gaarin Ahlu Sunna.
Ahlusunna ayaa waxa ay dhawaan sheegtay inay bilaabayaan howlgalo ay ugaga xoreynayaan Alshabaab deegaanada ay uga sugan yihiin Galmudug.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More