Ajandaha Shirka Soomaaliya iyo Saaxibadda Beesha Caalamka ee berri ka furmaya Muqdisho

Waxaa maalinta berri ka furmaya Shirka Soomaaliya iyo Saaxibadda Beesha caalamka ee loo yaqaano Somalia Partnership Forum, shirkan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa lagu gorfeeyaa xaaladaha siyaasadeed ee dalka, horumarada la gaaray iyo qorshayaasha soo socda ee taageerada Soomaaliya.

Shirka berri ee Somalia Partnership Forum ayaa ah mid hal maalin ah, waxaana shir guddoomin doona Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo sidoo kale furitaanka shirka hadal ka jeedin doona.

Waxaa shirka isugu jiraa mid toos ah oo ay ka qeyb galayaan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka socda Beesha Caalamka, sidoo kale waxaa qadka online ee Zoom-ka uga qeyb galaya Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, iyagoo khudbado ka jeedin doonaan.

Furitaanka shirka ayaa ah mid xiiso leh oo diiradda lagu saarayo doorashada Soomaaliya, xilliga kala guurka amniga iyo caqabadaha jira, iyadoo wakiilada Beesha Caalamka iyo dowlad goboleedyada diiradda ku saari doonaan arrimaha doorashada oo lagu muransan yahay.

halkan hoose ka akhriso ajandaha shirka berri:-


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More