Akhriso Magacyada Musharaxiinta 3 kursi oo doorashadooda ka dhacayso berri magaalada Dhuusamareeb

Guddiga Doorashada dowlad goboleedka Galmudug ayaa shaaciyay magacyada lix musharax oo ku tartamayso saddex kursi oo ka mid ah kuraasta taal magaalada Dhuusamareeb.

Musharaxiintan ayaa waxaa ka mid ah Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah xildhibaanada caanka ah ee afartii sano waxaana la tartamaysa qof dumar ah.

Kursiga HOP#035 waxaa ku tartamaya oo oo shahaadada musharaxnimo qaatay, Musharixiintaas Cumar Cali Cabdi iyo Cabdullaahi Axmed Cabdi.

Kursiga labaad ee lagu tartamayo maalinta berri ah ayaa waxaa uu yahay kursiga HOP#055 waxaana shahaadada musharaxnimo qaatay Maxamed Xuseen Abuukar iyo Maxamed Saciid Cabdullaahi.

Kursiga saddexaad ee ah HOP#147 ayaa waxaa ku tartamaya musharixiinta kala ah Mahad Maxamed Salaad iyo Shamso Cabdullaahi Maxamed.

Dhinaca kale waxaa maanta guddiga Doorashada Galmudug iyo Guddiga Aqalka sare ee Baarlamaanka Galmudug ay qabteen Doorashada Kursiga ka dhimanaa aqalka sare , kursigaan waxaa isku diiwaangeliyey 2 musharax oo kala ah Farxaan Cali Maxamuud iyo  Naciimo Yuusuf Shiiq Maxamed.
Inta aan doorashada bilaaban waxaa ka tanaasulay tartanka Naciimo Yuusuf Shiiq Maxamed, kadibna waxaa Baarlamaanka Galmudug hab gacan taag ah ugu codeeyeen musharax Farxaan Cali Maxamuud waxaana ogol ugu codeeyey 80 xildhibaan oo ah dhamaan kooramka Baarlamaanku ku furmay.
Sidaa daraadeed waxaa ku guuleystay doorashada kursiga aqalka sare Farxaan Cali Maxamuud oo helay 80 cod.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More