Akhriso; Nuxurka Khudbada Madaxweyne Xasan Sheekh ee Xaflada Caleema Saarka

June 09 (Jowhar.com)- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta loo calaama-saaray madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya,ayaa kajeediyay qudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa.

Khudbada uu jeediyay ayaa waxaa uu ugaga hadlay siyaasadiisa dibbada iyo tan gudaha isagoo macneeyay halku dhegga ah SOOMAALI HESHIIS AH DUNIDANA HESHIIS LA AH.

“Marka aan ka hadalno SOOMAALI HESHIIS AH, waxaan ula jeednaa qodobbada soo socda: Dhab u heshiisiin baahsan oo dhexmarta shacabka Soomaaliyeed, si loo xalliyo tabashooyinka la kala qabo.”

Madaxweyne Xasan ayaa ka hadlay siyaasadiisa la xiriirta Somaliland isagoo xusay in dib loo bilaabayo wadahadalada labada dhinac.

“Waxaan bogaadinayaa horumarka iyo degenaanshiyaha deegaanada Somaliland. Waxaan si gaar ah diiradda u saari doonaa, sii wadida wadahalada, iyadoo mar kasta laga jawaabayo dadkeenaas Soomaaliyeed inay helaan xaqa muwaadinnimo ee ay leeyihiin. Waxaan ka hortagi doonaa wax kasta oo caqabad ku noqon kara wadahalada iyo dib u heshiisinta, si ay dadkeenu iskugu dhawaadaan.”ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Arrimaha Garsoorka oo uu ka hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay inuu xoogga saarayo Dhismaha garsoor hufan, madax-bannaan isla markaana looga haqabtiri kara baahida caddaaladeed ee shacabka Soomaaliyeed.

“Caddaaladdu waa udub-dhexaadka Soomaali heshiis ah.”ayuu yiri madaxweyne Xasan Shekh.
Arrimaha Soomaali heshiis la ah dunida ayuu ku tilmaamay Xasan Sheekh in Himilooyinka dowladnimada ee ay tiigsanayaan shacabka Soomaaliyeed ma rumoobi karaan haddii aanaan dunidana heshiis la aheyn.

Waxa uu Madaxweyne Xasan qodobo u kala qaaday Soomaalida Dunida heshiis la ah inay saldhig u noqon doonaan;

-Inaan dunida inteeda kale iska kaashano dhanka amniga. Si gaar ah, dalalka Geeska Africa maanta waxaa heysta culeysyo amni oo ka imaanaya kooxaha argagixisada ah, sida Al-Shabaab iyo Daacish. Sidaas darteed, waxaa lagama maarmaan ah inaan isku-garabsano si aan iskaga caabinno cadowgaas, shacabkeennana u badbaadinno.

-Inaan wanaajinno, isla markaana xoojinno xiriirka aan la leenahay dalalka dariska ah, kuwa walaalaha ah iyo kuwa aan saxiibbada nahay. In ka badan laba milyan oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah ayaa maanta ku nool dacallada dunida, kuwaas oo kaalin lagu faani karo ka qaata dalalka ay ku nool yihiin.

-Xiriirka ugu muhiimsan ee aan dunida la yeelan karno waa mid ku saleysan ganacsi iyo iskaashi dhaqaale. Dadka Soomaaliyeed waa kuwa lagu yaqaanno iney aad ugu fiican yihiin beec mushtarka, iyagoo dalal badan oo Africa, Bariga Dhexe iyo waliba Galbeedka ku leh ganacsiyo waawyen oo qeyb libaax leh ka qaata kobcint dhaqaalaha dalalkaas. Si gaar ah, waxaa yoolkeenu ahaan doona, xoojinta ganacsiga ka dhaxeeya dalka guud ahaan dalalka Africa, gaar ahaan kuwa Geeska Afria.

-Waxaa iyana mabda’a aasaasi ah noo noqon doona siyaasad arrimo dibadeed oo dhexdhexaad ah, isla markaana aan ku dhex milmin loollanka caalamka ka jira. Soomaaliya waxay saaxiib la ahaan doontaa dal walba oo diyaar u ah inuu ixtiraamo madax bannaanida dalkeenna, iyo mid ahaanshaha gayigeenna.

Arrimaha Abaaraha ayuu ka hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isagoo xusay in dalka Soomaaliya ay saameyn weyn ku yeelatay abaarta ka jirta Geeska Afrika.

“Sidaad la socotaan, waxaa haatan gobolka Geeska Africa ka jira abaaro ba’an oo halis ku ah boqollaal milyan oo qof. Soomaaliyana waxay u nugushahay abaartaas iyadoo lagaba cabsi qabo in meelaha qaar ah macluul ku dhufato.”ayuu yiri.

“Abaaraha ayaa noqday kuwa soo noqnoqda sannad walba. Waxaad mooddaa inaan u dhaxeynno lix bilood oo biyo dhaamin ah, iyo lix bilood oo aan la tacaaleyno fatahaado ka dhashay roobabka. Waxaan arrimahaas sabab u ah dhibaatooyin is-biirsaday, sida isbeddellada cimillada, burburka kaabayaasha dhaqaale iyo nuglaanta hey’adaha dowladda.”ayuu sii raaciyay.

Arrimaha Dhaqaalaha oo uu ka hadlay Madaxweyne isagoo sheegay in qorshihiisu uu qeyb ka noqon doono taabbagalinta barnaamijka deyn cafinta inaan adkeynno nidaamka maamulka iyo maaliyadda ee dalkeenna. Hufnaan iyo isla xisaabtan ayaana saldhig u ah guusha nidaamka maamulka maaliyadda, anagoo balaarineyna illaha dakhli ee dalkeena Alle ku maneystay kheyraadka kala duwan.

“Dowladeyda waxaa lagula xisaabtami doonaa waxqabad. Dawladeydu waxay noqon doontaa mid dhegaysata oo ixtiraamta dadkeeda, oo kelliya dantooda ka shaqeysa.”ayuu sii raaciyay khudbadiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u mahadceliyay dhammaan wufuudii ka qeybgashay munaasabada caleema saarkiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More