Akhriso War Saxaafadeed ay Midowga Dalladaha Waxbarashada ka soo saareen Imtixaanka Shahaadiga

June 06 (Jowhar.com)-EGuddiga sare ee Midowga  Falladaha Waxbarashada dalka ayaa ka soo horjeestay xubno magaca midowga Dalladaha ku qaadacay Imtixaanka Shahaadiga oo ay qaado Wasaaradda Waxbarashada.

Warsaxaafadeed ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Waxbarashada ay masuul ka tahay nidaanka iyo siyaasadda waxbarashada guud ee dalka.

Sidoo kale Midowga Dalladaha Waxbarashada ayaa sheegay iney mar walbo diyaar u yihiin la shaqeynta Wasaaradda Waxbarashada iyo agaasinka Waxbarasbada Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn Midowga Dalladaha Waxbarashada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Maamulayaasha Iskuulada, waalidiinta iyo Ardayda iney u diyaar garoobaan ka qeyb galka Imtixaanka isla markaana la shaqeeyaan Wasaaradda.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More