Al-Cadaale:”Waxaan haynaa cadeymo abaabul ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha”

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala ayaa uga digay ciidamada inay ku milmaan siyaasada isla markaana loo adeegsado inin lagu dhiirado sumcad dilka Ra’iisul Wasaaraha.

Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al- Cadaalla ayaa sheegay in tilaabo laga qaadi doono cid walba oo ku kacdo arrimo aan sharci ahayn.

”Sarkaal walba oo isku daya in uu ku dhax milmo arrimaha siyaasadda ee dalka iskuna daya in uu xafiis gaar ah ugu adeego awooddiisa sarkaalnimo waxaa lagu qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan” ayuu yiri Alcadaala.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta ayaa sheegay in hayaan cadeymo la xiriira abaabul ka dhan ah ra’iisul wasaaraha taasoo lagu doonayo in lagu carqaladeeyo doorashada;

“Ra’iisul Wasaare Rooble Doorasho ayuu ka shaqaynayaa taas ayaa ah sababta loo soo abaabulay dacaayadaha ka dhanka ah, oo ay ka soo shaqeeyeen, waxaan haynaa caddeymo ku filan abaabulkaas oo aan xilligeeda soo bandhigi karno”
Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayaa sheegay in tilaabadii shaqada looga eryay xubnihi ka mid ahaa guddiga xallinta khilaafka ay ahayd mid lagu toosinaayay doorashada.

Wasiir Cadaala ayaa sheegay in xukuumadda aysan wax badan ka qusayn arrinta guddiga doorashada heer federal ay xilka uga qaadeen gudoomiye Cirro.asaga oo xusay in ay leeyihiin xeerar ay isku maamulaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More