Al-Shabaab badan oo lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Hiiraan

Jully. 08 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal xooggan oo xalay ka dhacay qeybo kamid ah degmada Buula-barde ee gobolka Hiiraa.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidanka dib u xureynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda ay weerar culus ku qaadeen goob ku taala nawaaxiga deegaanka Beera yabaal oo ay isku aruursanayeen xubo ka tirsan dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidanka macwiisleyda ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in weerarkaasi ay ku dileen Shan Shabaab ah, ayna heystaan deegaanka ay weerarka ku qaadeen.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaas iyo dagaalka ka horreeyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More