Al-Shabaab oo 5 ruux ku toogatay fagaare ku yaala degmada Tiyeegloow
Jun. 12 (Jowhar.com)-Kooxda Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaala degmada Tiyegloow ee gobolka Bakool waxa ay ku toogtay 5 ruux oo ay ku eedeeyeen iney ahayeen jaajuusiin, la shaqeeya sirdoonada wadamada Mareykanka iyo Itoobiya.
War lagu baahiya baraha lagu taageero Shabaab ayaa lagu sheegay in xubnahan oo dhamaantood isla kooxdaasi ka tirsanaa ay qaarkood mudo dheer la shaqeynayeen sirdoonada wadamadaasi, ayna hagi jireen weeraro dhowr ah oo ka dhacay Bakool iyo magaalooyin kale.
Halkan hoose ka akhriso magacyada shanta nine e ay toogatay koxoda Al-shabaab:
1- Aweys Xaaji Xasan Liibaan oo 41 sano jir, wuxuu la shaqeynayay sirdoonada CIA-da Mareykanka iyo midka maamulka Koonfur Galbeed.
Ninkan ayaa qeyb ka ahaa shabakad ay magaceeda ku sheegtay Boorow Tukow.
2- Cabdi Wahaab Cumar Mubaarag looyaqaano (Lafoole) oo 21 sano jir, wuxuu la shaqeynayay Mareykanka.
Lafoole ayaa sida ay sheegtay kooxda waxa uu qeyb ka ahaa “shabakadii jawaasiista ee Dr Ayuub.”
3- Sakariye Yuusuf Xuseen oo da’diisu tahay 30 sano jir, wuxuu la shaqeynayay Sirdoonka Ethiopia.
Ninkan ayay kooxdu sheegtay in laga soo diray magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaali Galbeed.
4- Ibraahim Xassan Maxamed oo ku magac dheer (Jaabir) oo 49 sano jir ah, wuxuu la shaqeynayay sirdoonka Mareykanka.
Sidoo kale waxa uu qeyb ka ahaa shabakadii jawaasiista ee Dr Ayuub, sida ay sheegtay kooxda Al-Shabaab.
5- Maxamed Abuukar Cusmaan oo 34 sano jir ah, waxa uu la shaqeynayay sirdoonnada Mareykanka iyo kan Ethiopia.
Maxamed ayaa waxay kooxdu sheegtay inuu hagi jiray wax ay ku sheegtay “duqeymihii cadowtooyo ee Itoobiyaanku ku garaaci jireen degmooyinka gobolka Banaadir.”