Al-Shabaab oo afar qof shaqaale caafimaad ah ka afduubatay Hiiraan

Jun. 07 (Jowhar.com)-Koox ka tirsan Alshabaab ayaa shalay galinkii dambe afar shaqaale caafimaad ah iyo darawalkoodii ka afduubtay deegaanka Sheekh Nuur ee galbeedka gobolka Hiiraan sida laga soo xigtay illo wareedyo ku dhaw booliska.

Shaqaalahan oo ka tirsanaa urur samafal maxali ah oo ka hawlgala gobolka ayaa ka soo laabtay hawl caafimaad oo ay ka soo qabteen deegaanka Far Libaax ee isla gobolka Hiiraan.

Dad ku sugan Beledweyne ayaa sheegay in shanta qof ee la afduubtay labo kamid ah ay ahaayeen dumar, waxayna dhamaantood u shaqaynayeen hay’ad maxali ah oo qaabilsan daweynta iyo nafaqeynta caruurta oo ka shaqaysa gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Alshabaab oo ku aadan sababta ay u afduubteen shaqaalahan maxaliga ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More