Al-Shabaab oo askar badan ku leysay weerar ay ku qaaday xarunta degmada Deyniile

Ciidamadda dowladda iyo rag hubeysan oo ku dagaalamay magaalada Muqdisho

July. 15 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar khasaare xooggan dhaliyay oo xalay Shabaab ay ku qaadeen bar-kontrol oo lagu hubiyo gaadiidka, taasoo ku taala nawaaxiga xarunta degmada Deyniile.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkan oo xalay dhacay ay Shabaab ku beegsadeen meel gaadiidka lagu hubiyo oo ku taala waaxda Barwaaqo, gaar ahaan xaafada Tiida, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isu adeegsaday, kaasoo dhaliyay khasaare culus.

Xubno kamida maamulka degmada Deyniile ayaa warbaahinta gudaha u sheegau in weerarkaasi ay looga dilay Shan askari iyo qof shacab ah, dhaawacyo kalena ay jiraan.

Waxa ay intaasi kusii dareen in kooxdii weerarkaasi fulisay au hore u qaadatay hubkii ay wateen ciidamada la laayay, ayna qabsadeen barta-kontrol ee la beegsaday.

Weerarlaasi ayaa kusoo aaday saacado yar uun kadib markii Shabaab ay qarax Ismiidaamin ahaa ku dileen gudoomiye kuxigeenkii maamulka iyo maaliyada degmada Marka oo lagu qarxiyay maqaaxi ku taala degmada Hodan ee bartamaha magaalada Muqdisho.

Si kastaba, amniga magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkan faraha kasii baxaya, iyadoo ay kusoo bateen weerarada tooska ah iyo qaraxyada ay geysyaan kooxda Al-Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More