Al-Shabaab oo baahisay muuqaal ay ugu baaqeyso dhalinyarada Ajaaniib inay Somalia u soo hijroodaan

Garabka warbaahinta Al-Shabaab ee lagu magacaabo Al-Kataa’ib ayaa xalay baahisay muuqaal soconaya saacad iyo dhowr toban daqiiqo oo loogu baaqayo dhalinyarada islaamka ee dunida ku nool inay u soo hijroodaan Soomaaliya.

Muuqaalkan oo ku baxaya luqadaha luqadaha Soomaaliga, Carabiga, Ingiriiska iyo Sawaaxiliga ah ayaa waxaa ka soo muuqanaya Kuxigeenka Amiirka Al-Shabaab Mahad Karate iyo Ahmed Iimaan oo ah hoggaamiyaha Al-Shababa u qaabilsan dalka Kenya.

Inkastoo aan la ogeyn xilliga muuqaalkan la duubayay iyo goobta lagu duubay ayaa waxaa lagu arkayaa dagaalyahano ajnabi ah oo tababar loo soo xirayo.

Muuqaalkan ayaa ujeedkiisa yahay in lagu soo jiito dhalinyarada muhaajiriinta ah, kaddib markii ay soo baxeen in aanu in muddo ah fiicneyn xiriirka Al-Shabaab iyo muhaajiriinta oo qaarkood ku biiray Daacish, kuwa la dilay, kuwana la xiray, halka kuwa kale aysan ku qanacsaneyn la joogooda.

Ajaaniibta ugu badan ee Al-Shabaab ka barbar dagaalama xilligan waa Muhaajiriinta Kenyanka ka soo jeeda, waxaa sidoo kale muuqaalkan olole u yahay in loogu baaqo dhalinyarada kale ee jihaad doonka ee Caalamka daafihiisa kale.

Intii muuqaalka socday ayaa waxaa ka soo muuqanaya dagaalyahano ajnabi ah oo ku dhintay dagaalada oo ugu baaqaya dhalinyarada ajaaniibta inay Soomaaliya yimaadaan

Al-Shabaab ayaa waxaa ka barbar dagaalamayay dhalinyaro ka kala yimid dalalka Yurub, Aasiya iyo Afrika.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More