Al shabaab oo la wareegay deegaankii ugu horeeyay ee ay ka baxeen ciidamada ATMIS

July. 13 (Jowhar.com)-Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa weeraray oo la wareegay deegaanka Geriley ee gobolka Gedo, oo ay dhawaan ka baxeen ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda dalka Kenya.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in weerarka Alshabab ay ku qaaday saldhiggan ay ku dhinteen illaa saddex ruux iyadoo saldhiggan uu noqonayo kii ugu horeeyay ee ay ka baxeen ciidamada nabad ilaalinta ATMIS oo ay la wareegaan Alshabaab.

Ururka Alshabaab ayaa bayaan ay soo saareen waxa ay ku sheegteen inay qabsadeen deegaanka Geriley ayna ku dileen ciidamo badan oo ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya,hase yeeshee ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Jubbaland iyo Dowlada Soomaaliya.

Geriley waa goob istaraatiiji ah, waxayna xuduudda Kenya u jirtaa 12KM. Waxaa ay Geriley ka mid ahayd 7 xarun oo ay wareejiyeen ciidamada ATMIS ee nabad ilaalinta Soomaaliya, taasi oo qayb ka ah dhimista ciidamadaas ka hor bixitaankooda bisha December ee sannadka dambe.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More