Al-Shabaab oo Muqdisho ku dishay mas’uul ka tirsan maamulka Deyniile.

Dec. 01 (Jowhar.com) -Rag hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa gudaha degmada Deyniile ku dishay Cumar Khaliif Xasan oo ahaa Madixii Samafalka Barakacayaasha ee degmada Dayniile.

Marxuumka xiliga la tooganayay waxa uu ka soo laabtay kormeer uu ku soo sameeyay xerooyinka ay dagan yihiin dadka barakacayaasha ah ee aqalada cowshadaha iyo bacaha ka sameysan ku leh halkaasi.

Dableyda weerarkan geysatay oo tiradooda saddex lagu sheegay ayaa hore usii kaxeystay gaari uu lahaa mas’uulka ay dileen, waxaana goobta dilka uu ka dhacay tagay ciidamadda amniga oo baadi goob ugu jira ragii gacan ku dhiiglayaasha ahaa ee toogashadan geystay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa durba sheegatay mas’uuliyada dilka, waxeyna ku faaneen iney dileen mid kamid ah mas’uuliyiinta maamulka degmada Deyniile ee gobolkan Banaadir.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More