Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday deegaanka Hilowle Gaab iyo khasaare ka dhashay

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday deegaanka Hilowle Gaab iyo khasaare ka dhashay.

Jan. 06 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay Dagaal culus oo u dhaxeeya dadka degaanka iyo ciidamada dowlada oo isku dhinac ah iyo malayshiyaadka Al-shabaab, kaasoo saaka waabarigii ka qarxay degaanka Hilowle Gaab ee gobalka Shabellaha dhexe.

Koox Shabaab ah oo si aad ah isu soo abaabushay ayaa xiligii salaada subax ee saaka weerar culus ku qaaday deegaankaas oo hoostaga degmada Runirgood, waxaana la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo mararka qaarna la maqlayay qaraxyo.

Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarkan ayaa tilmaamtay iney ku dishay saraakiil iyo askar daacad u ahaa gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Daaci, kuwaasoo ahaa ciidankii deegaanka gacanta ku hayay.

Weerarkan ayaa imaanaya maalin kadib markii laba qarax oo Al-Shabaab ay ka fulisay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ay ku naf-waayeen ku dhowaad 35 ruux oo u badan dad shacab ah.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo dagaalkan ay kasoo saartay dowladda, waxaana gurmadyo ka baxay Runirgood ay u jiheysteen deegaanka uu dagaalka ka dhacay.

Xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa tibaaxay in ay beegsadaan guriga Xildhibaan Jacfar oo ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya kaasoo waday abaabul ciidan.

Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgaladii ugu dambeeyay ee la fuliyey bilooyinkii lasoo dhaafay ay ku dhinteen in ka badan 2,000 Al-Shabaab ah. Ma aysan soo bandhgin wax caddeyn ah.

Si kastaba, Degaanka Hilowle Gaab oo dabayaaqadii bishii hore laga qabsaday Al-shabab ayaa ku yaalla xadka goblada Shabellaha dhexe iyo Galgaduud

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More