Alshabaab oo dagaal la’aan kula wareegay Camaara iyo Bacaad-Weyne

Wararka ka imanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Alshabaab ay si fudud ku qabsadeen deegaanada Camaara iyo Bacaad-Weyne kadib markii ay dib uga soo baxeen ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyey in Al-Shabaab ay gudaha deegaanadan la soo galeen maleeshiyaad aad u hubeysan.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada dowlada ee la xiriira sababta ay dib ugaga baxeen deegaanadaas.

Talaadadii aynu ka soo gudubnay ayaa Alshabaab ay saacado kooban waxa ay haysteen deegaanka Camaara halkaas oo ay gaadiid ciidan kula wareegeen kahor inta aysan dib uga bixin.

Deegaano badan oo ka tirsan Koofurta Mudug ayaa muddo bil ah waxaa ka socday dagaalo u dhexeeya ciidamada dowlada iyo ururka Alshabaab waxaana dagaaladaas ku dhintey ciidamado badan oo ka mid ah kuwii dagaalada ku jirey halka sidoo kale dad rayid ah ay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ka soo gaareen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More