Alshabaab oo goob fagaare ah ku toogatay askar ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya

Dagaalamaayasha Al-Shabaab ayaa goob fagaare ah waxaa ay ku toogteen labo ruux oo ay sheegeen in ay ka tirsanaayeen Ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya deegaan ka tirsan gobolka Gobolka Shabeellaha Hoose.

Labada ruux ee ay toogteen Al-Shabaab ayay Magacyadooda ku kala sheegen Yoonis Macalin Xasan iyo Maxamed Nuur Xasan, waxaana ay sheegeen in ay ka ka tisranaayen Booliska Soomaaliya iyo hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA.

Fulinta xukunka toogashada askarta ayaa waxaa uu ka dhacay fagaare ku yaal deegaanka Kuunayabarow.

Labada ruux ee ay toogteen Al-Shabaab ayay sheegen in howlgeli jireen Magaalooyinka Marka iyo Baydhabo, oo ka kala tirsan Shabeellaha hoose iyo Gobolka Baay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More