Alshabaab oo weerar Qaraxyo ku bilowday ku qaaday deegaanka Budbud

Apr. 19 (Jowhar.com)-Wararka ka imanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday fariisimo ay ciidamada dowlada  ku lahaayeen deegaanka Budbud oo ka tirsan degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Gaadiid waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay iyo dad isku xoo xirey waxyaalaha qarxa ayaa la sheegay in lagu weeraray labo saldhig oo ay ciidamada dowlada ku lahaayeen Budbud.

Dagaal xooggan oo ka dhacay weerarka kadib ayaa la sheegay inuu ka dhashay qasaare badan,qadka isgaarsiinta deegaanka Budbud oo go’ay awgeed ayaan la ogeyn xaalada deegaankaas.

War kooban oo ka soo baxay dowlada Federalka ayaa lagu sheegay in Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay jab culus gaarsiiyeen Alshabaab dagaal ka dhacay Deegaanka Budbud.

“Ciidanka Qaranka ayaa ku ku raad jooga firxadkii Khawaarijta, waxaana soo bandhigi doonaa xogta rasmiga ah ee jabkii galabta la gaarsiiyey Khawaarijta.”ayaa lagu sheegay qoraal kooban oo la soo dhigey warbaahinta dowlada.

Hase yeeshee Alshabaab oo ka hadashay dagaalka ka dhacay Budbud waxa ay ku sheegatay inay ku jebisay ciidamada dowlada qasaarana gaarsiisay.

“Weerarka oo ku billawday camaliyad ishtish-haadi ah waxaa xigay dagaal ay Mujaahidiintu dhinacyo kala duwan uga qaadeen cadawga. Allaah fadligiis ciidamada Mujaahidiinta waxaa u suurtagashay inay si buuxda gacanta ugu dhigaan saldhigii ciidamada deegaanka Budbud.” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Alshabaab.

Deegaanka lagu dagaalamay ee Budbud ayaa waxaa caawa ku hoyanaya ciidamada dowlada iyadoo gurmad xoog leh uu gaaray deegaankaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More