Ambassador Tarsan oo soo afmeeray shaqadii diblumaasiyadeed ee dalka Kenya

Nov 08 (Jowhar.com)- Munaasabad sagootin ah ayaa loogu qabtay xarunta Wasaaradda Arrimaha dibedda ee dalka Kenya danjire, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo ay u idlaatay muddadii uu ahaa safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galay Dr. Abraham Korir Sing’Oei, Xoghayaha Golaha Wasiirada ee Arrimaha Dibadda Kenya iyo xubno ka socday diblumaasiyiinta Kenya.

Wuxuuna Xoghaye Abraham Korir ku tilmaamay Danjire Tarsan inuu ahaa nin aad ugu ololeeya nabadda iyo xasilloonida Bariga Afrika iyo Geeska Afrika, wuxuuna ku ammaanay wax qabadkiisa ku aaddan horumarinta xiriirka Kenya iyo Soomaaliya.

Danjire, Tarsan ayaa sheegay in uu aad ugu mahad celinayo dowladda Kenya sida diirran ee ay u soo dhaweysay iyo taageerada hagar la’aanta ah ee ay la garab istaagtay muddadii uu xilka hayay.

Waxa kale oo uu aad ugu mahad naqay asxaabtiisa iyo hawl-wadeenadiisa shacabka iyo dedaalka ay muujiyeen.

Danjire, Tarsan ayaa tan iyo sanadkii 2018-kii soo ahaa safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, waxaana intii uu xilka hayay uu kaalin mug leh ka qaatay xoojinta xiriirka labada dal.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More