AMISOM oo iska fogeysay inay ku lug lahayd dagaalkii Guriceel

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM ayaa beenisay in ay wax lug ah ku lahayd dagaalkii ka dhacay Guriceel oo qasaare badan ka dhashay.

Qoraal ay soo saareen AMISOM ayaa lagu sheegeen in eedeymahaas ay yihiin kuwo been abuur ah oo la doonayo in khilaaf laga dhex abuuro AMISOM iyo Bulshada Soomaaliyeed

”Hawlgallada AMISOM oo ay ku jiraan hawlgallada milatari iyo taageerada Ciidanka Dowlada Federalka Soomaaliya, waxaa haga waajibaadka ay bixiyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana wax lagu fuliyaa in si adag loo dhawraa howlgallada iyo Xeerarka Hawlgelinta ayaa lagu yiri” ayaa lagu yiri qoraalka AMISOM.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay AMISOM;

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More