AMISOM oo loogu baaqay inay ciidamadoodu ku milmin Siyaasada Soomaaliya

Shir ay yeesheen Guddiga Isuduwaha ee Ciidamada iyo Booliska Wadamada ku tabarrucaya Booliska ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) 28-kii Abriil ayaa laga soo saaray war murtiyeed ku aadan xaalada dalka Soomaaliya iyo sida ay AMISOM ka yeeli lahayd xaaladaas.

War Murtiyeed ka soo baxay kulankan ayaa loogu baaqay ciidamada nabad ilaalinta AMISOM inaysan ku milmin siyaasadaha is diidan ee dalka Soomaaliya ayna noqdaan kuwo dhexdhexaad ah.

Kulankan oo uu shir guddoominayay H.E. Danjire Bankole Adeoye, Wakiilka Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga (C-PAPS), ayaa waxaa ka soo qeyb galay wakiilo ka socda wadamada Burundi, Djibouti, Ethiopia, Ghana, Kenya, Nigeria, Sierra Leone iyo Uganda iyo AMISOM.

Sidoo kale War Murtiyeedka ka soo baxay shirkan ayaa lagu cambaareeyay go’aanada Golaha Shacabka iyo Madaxweynaha ee muddo kordhinta.

“Kulanku wuxuu sii xaqiijiyey Heshiiskii 17 Sebtember 2020 oo ah dariiqa loo maro wada-xaajoodyada ku saabsan qaababka doorashooyinka ee Soomaaliya, iyadoo la tixgelinayo ka-qayb-galkeeda oo ah hannaan ay Soomaaliya leedahay oo ay maamusho Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah, Xisbiyada mucaaradka iyo bulshada rayidka” ayaa lagu yiri war murtiyeedka.

Kulamadaasi waxaa lagu muujiyey xaalada Soomaaliya ay hada kujirto mid walaac leh oo marba marka kasii dambeysa kasii daraysa, waxaana lagu celceliyey baaqyo ah in laqaado talaabooyin kalsooni leh iyo in dib loo bilaabo wada hadalo sal balaaran oo loo dhan yahay si loo helo is afgarad ku aadan wadada loo marayo iyo sidoo kale soo dhaweysay Hadalkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ ee 27kii Abriil 2021 ee ku saabsanaa inuu diyaar u yahay inuu ku laabto Aqalka Hoose ee Baarlamaanka si go’aannada 12 Febraayo dib looga noqdo, iyo sidoo kale inuu ku laabto heshiiskii 17 Sebtember 2020 aasaaska doorashooyinka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More