AMISOM oo sheegtay inay kordhinayso howlgalada ay wadaan dalka Soomaaliya

Taliyayaasha militariga ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa isku raacay in la dardargeliyo howlgallada wadajirka ah ee ay la wadaagaan Ciidanka Xoogga Dalka ee Soomaaliyeed.

Tallaabadaan ayaa ka dambeysay Kulan labo maalmood ah oo ka dhacay Muqdisho,kaas oo la xiriiray xoojinta amniga doorashada iyo u diyaar garowga howlgalka AMISOM ee sanadkaan 2021 -ka.

Kulankaasi waxaa mudadii uu socday taliyayaashu ay ku ku qiimeeyeen horumarka ilaa hadda laga gaaray, Fikirka laga qabo Hawlgallada AMISOM, Qorshaha Kala-guurka iyo hirgelinta Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee 2568 (2021).

Taliye ku xigeenka AMISOM dhanka Howlgallada & qorsheynta Gen William Kitsao Shume ayaa saraakiisha u sheegay in horumar wacan oo muuqda ka sameeyaan howlgallada la qorsheeyay oo u baahan in hoos loo dhigo awoodda Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee bixiyay fasaxa AMISOM ayaa qaraarka tirsigiisu yahay 2568 u diyaariyay in la fuliyo howlgallo 2021 oo ay iska kaashanayaan Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika.

Dowladda Federaalka iyo Midowga Afirka ayaa isku fahmay shir Muqdisho ay ku yeesheen oo looga hadlay Mustaqbalka Ciidamada Afrikaanka ah ee Soomaaliya ku sugan tan iyo sanadkii 2007-dii, muddada joogistooda waa December 2021 balse waqti kordhin ayaa loo diyaariyay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More