Amnestey oo ku eedeysay ciidamada Kenya inay dileen 167 ruux oo rayid ah

Mar 31 (Jowhar.com) –Hay’adda Amnesty International ayaa warbixin ay soo saartay waxa ay ku ku eedeysay booliska Kenya in ay si sharci darro ah u dileen 167 qof sanadkii la soo dhaafay.

Dadkan ayaa hay’adu sheegtay in dadkan la diley ay ku jiraan dad lagu soo qabtay iyaga oo jabinaya xayiraadaha Covid-19.

Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamadu ay masuul ka ahaayeen 33 qof oo raq iyo ruuxba lagu waayay sanadkii 2021.

Warbixinteeda waxyaabihii dhacay sanadkii 2021 ayay Amnesty ku eedeysay booliska in ay isticmaaleen awood aan loo baahnayn oo mararka qaar sababaysay dhimasho, si ay u kala ceyriyaan dibadbaxayaasha, waxay sheegeen in dadka la soo eedeeyay aysan wjihin cadaaladda.

Hase yeeshee, Booliska Kenya ayaan wax jawaab ah ka bixin eedeymaha ay hay’ada Amnesty u soo jeedisay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More