Anita Kiki Gbeho oo soo dhaweysay dhamaystirka Senatarada Aqalka Sare ee Jubbaland

Anita Kiki Gbeho, oo ah ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha qaramada Midoobay ayaa Jubaland uga mahad celisay sida ay u ilaalisay qoondada haweenka ee aqalka sare iyadoo hoosta ka xariiqday in Qaramada midoobay ay tageerayso howlaha Doorashooyinka iyo sidii loo dardar galin lahaa.

Marwo Anita ayaa maanta kula kulantay magaalada Kismaayo Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, kadib booqashada ay ku tagtay Kismaayo.

Kulanka ayaa lagaga hadlay arimaha Doorashooyinka oo Dowlada Jubaland ay xalay soo dhamaystirtay xubnahii ku dhimanaa er Aqalka Sare taas oo dardar galin doonta howlaha Doorashooyinka.

Guddiga doorashada Jubbaland ayaa shaaciyay in la qaban doono doorashada afar kursi oo ka harsanayd Jubbaland Maalinta Khamiista ee soo socota kuna beegan 21ka Oktobar 2021.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More