Arday ku diley saddex ruux magaalada Rotterdam ee dalka Holland

Sep 28 (Jowhar.com)-Nin hubeysan ayaa saddex qof ku dilay magaalada Rotterdam ee dalka Holland iyadoo labo ka mid ah dadka uu diley ay ahaayeen hooyo iyo gabadheedii.

Eedeysanaha oo 32-jir ah, ahaa arday ayaa toogasho ku dilay Haweeney 39-jir ah iyo gabadheeda oo 14 jir ahayd kuaasoo ku noolaa Xaafad uu degganaa.

Kadib markii uu dab qabadsiiyay guriga haweeneyda, ayuu ninka hubeysan waxa uu galay isbitaalka jaamacadda Rotterdam Medical Center, halkaasi oo uu galay fasal kuna toogashana ku diley macalin 43 jir ah.

Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku soo dhigey ninkii ka dambeeyay weerarkan waxaana la sheegay inuu ka mid ah ardayda jaamacad xiriir la leh isbitaalka uu weeraray.

“Waxaan aad uga naxay dhacdo naxdin leh, rasaas ayaa ka dhacday laba meelood oo kala duwan oo magaalada ah, dad badan ayaa goob-joog ka ahaa,” ayuu yiri duqa magaalada Rotterdam Ahmed Aboutaleb. “Dareenka magaalada ayaa ah mid aad u sarreeya, waxaan tacsi u dirayaa dadkii ku dhintay.”

Madaxa dacwad oogaha Rotterdam Hugo Hillenaar ayaa yiri: “Eedeysanaha hore ayaa loo yiqiin waxaana sanadkii 2021kii lagu soo oogay dacwad ahayd xadgudubka xoolaha.”

Muuqaalo la soo galiyay online-ka ayaa muujinayay booliska oo ku amraya ardayda oo qaarkood xirnaa shaarka cadaanka ah in ay banaanka u soo baxaan iyadoo kooxaha soo qabtay oo aad u hubeysan ay soo gaareen goobta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More