Xagguu ku dhammaan doonaa Khilaafka Xasan Sheekh & Axmed Madoobe?
Nov 28 ( Jowhar)Ciyaarta siyaasadeed ee u dhexeysa Jubaland iyo DFS, waxay go’aamin doonta jiho u yeelidda dowladnimada Soomaaliya. Haddii sida uu wax u qorsheeyay Axmed Madoobe u dhacaan, waxa ay noqon doonaan Maamul Goboleedyada miisaanka siyaasadeed leh, kuwa meeriya, sidoo kalana jaan-gooya heykalka dowladnimo ee dalka, laakiin, haddii sida Villa Somalia ay damacsantahay wax u dhammaadaan, waxaa soo dhammaan doona in awoodda Maamul Goboleedyadu ay hoos u dhacdo.
Lucbada siyaasiga ah ee ka socota Soomaaliya waxay abuureysaa sameysanka qalfoof cusub oo awoodeed, waana lama huraan in la helo isbeddel maamul iyo in isku milankii jiray lagu kala soocmo, waxaana isku hari doono inta uurka ka mideysan, waxaase bixi doona kuwii soo raacay guusha ama kuwa aan hadda laheyn miisaanka weyn.
Qaddiyadaha taagan oo ah kuwa culus, waxaa suuragal ah in loo rogo caqiiddo qabali ah taas oo mar walba ku milanta loolanka siyaasadda marka ay xaaladdu adkaato, qodobkaan dembe, cidda aan Villa-da joogin ayaa adeegsata xilli kasta.
Waxaa yar in loolankaan cusub lagu xalliyo miiska wadahalka, laba sabab darteed:
1-Axmed Madoobe, in kursigiisa lagula murmo weligii ma aqbali jirin, haddana ma ogolaan doono, xilka Ra’iisul Wasaare-na in la lumiyo uma fududa, waana midda keentay in damaca Mr. Madoobe uu muddo huursanaa, laakiin hadda uu derbiga soo taabtay.
2-Villa Somalia waxaa dhankeeda muuqda in aysan laheyn aragti u labeysa QOF & COD, waana dhaxalka uu rabay in MW Xasan Sheekh uu sanadkaan kusoo daro sooyaalkiisa siyaasadeed. Xilligii hore waxa uu meel gaar ah ku qortay, ka gudubka Kumeel gaarkii lagu jiray & dhismahii Maamul Goboleedyada.
Si kooban, xalku waxa uu u muuqdaa kala adkaasho siyaasadeed, laakiin, kala adkaasho ciidan marnaba xal uma noqon karo siyaasadda Soomaaliyeed.