Askar NISA ka tirsan oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerar ka dhacay Suuqa Bakaaraha.

Nov. 19 (Jowhar.com) -Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar rag hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ka geysteen gudaha suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in rag hubeysan oo Shabaab ah ay Bambo ku tuureen askar ka tirsan ciidamadda dhar cadka ee NISA oo hal goob ku wada sugnaa, waxaana la sheegay in intaasi kadib ay rag Shabaab ah oo ka soo dagay Mooto Bajaaj, kuwaasoo watay qori AK47 ah ay rasaas ooda uga qaadeen askarta.

Wararka ayaa intaas ku sii daraya in hal askari oo NISA ah lagu dilay weerarkan, halka saddex kalena lagu dhaawacay, kuwaasoo loola cararay goobaha caafimaadka ee magaaladan.

Ciidamadan ayaa hoostagayay taliyaha Nabad Sugida ee degmada Howlwadaag Shakiib, iyadoo gudaha suuqa bakaaraha uu haatan ka socdo howlgal culus oo ay wadaan ciidamadda amaanka, iyagoo baadi goob ugu jira ragii hubeysnaa ee weerarkan fuliyay.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More