Askari ka tirsan ciidanka dowladda oo Darawal gaari ku dilay magaalada Muqdisho.

Nov. 30 (Jowhar.com) -Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamadda dowladda uu saaka dil u geystay mid kamida Darawalada kaxeysa gawaarida Xamuulka ka qaada Dekeda weyn ee magaalada Muqdisho.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Muumin Axmed waxa uu si gaar ah dilkiisa yga dhacay aagga Dekeda, iyadoo la sheegay inuu dilkiisa yimid kadib markii ay murmeen askari dowladda ka tirsan oo ka dhacayay tilifoonkiisa gacanta.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamo ka agdhawaa aagaasi ay gacanta ku dhigeen danbiilaha oo xiligaasi isku dayayay inuu gacanta hay’adaha amaanka ka boxo.

Dilka Darawalkan ayaa yimid 24 saac kadib markii isla shalay askari kale uu degmada Balcad ee duleedka magaalada Muqdisho ku dilay Darawal gaari Hoomey ah oo uu doonayay inuu isbaaro uga qaato 10 kun oo Shiling Soomaali ah.

Dilalka ay geystaan ciidamadda dowladda ayaa faraha ka sii baxaya, iyadoo dowladda madaxweyne Xasan Sheekh lagu eedeeyay iney ka gaabsatay iney qorshe cad ugala timaado arrintan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More