Askarigii diley Jaweeriya Subcis oo dil lagu xukumay

Dec. 12 (Jowhar.com)-Maxkamadda gobolka Faafan ee Jigjiga ayaa dil toogasho ah ku xukuntay askarigii loo heystay inuu dilay Allaha u naxariistee xildhibaanad Juweyriya Subcis.

Garsooraha maxkamadda ayaa inuu xukunkan u cuskaday xeerka ciqaabta dalka itoobiya.
Askarigan oo ka tirsanaa ciidamada federaalka ee gacanta ku hayay ammaanka garoonka diyaaradaha magaalada Jigjiga ayaa 25-kii Oktoobar rasaas ku furay xildhibaanad Juweeriya.

Rasaasta uu askarigan furay ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacantay Jaweeriya walaasheed Ayaan oo garoonka ka doontey marxuumada iyo ruux kale.

Ma cadda xilliga askarigan lagu fulin doono xukunka. Sidoo kale ma cadda in askariga la xukumay uu racfaan ka qaadan doono xukunka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More