ATMIS oo aqbashay in dib loo dhigo ka bixitaanka Ciidamada dalka Soomaaliya

3500 ATMIS soldiers killed in Somalia

Sep 28 (Jowhar.com)-Wadamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ee Uganda, Burundi, Ethiopia, Kenya iyo Djibouti, ayaa taageeray codsgii madaxwenaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in muddo saddex bilood ah sababo farsamo loo hakiyo bixintaanka wejiga labaad ee ciimadama ATMIS.

Waddamadan oo qoraal rasmi ah u diray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay taageero u hayaan codsiga Soomaaliya ee ah in bixintaanka 3,000 oo ciidanka ATMIS ah dib loo digo muddo 90-maalmood ah.

Waddamadan ayaa qoraalkooda ku ammaanay dowladda Fedeeraalka ah dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.
Dowladda Soomaaliya ayaa codsigeeda sal uga dhigtay in dhammaan xaaladaha taagan aysan oggolaaneyn in ATMIS ay ka wada baxaan fariisimaha ay dalka kaga sugan yihiin.

Dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa ku ammaanay dagaalka ay kula jirto Alshabaab Xoghayaha Arrimaha Dibbada Maraykanka isagoo sheegay in muddo hal sano ah ciidamada Soomaaliya ay qabteen waxaysan qaban muddo shan sano ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More