ATMIS oo ciidanka xoogga dalka ku wareejisay saldhigoodii Cabdalla Biroole

Jun 30 (Jowhar.com)-Ciidamada xoogga dalka ayaa Ciidamada ATMIS kala wareegay saldhigii ay kulahaayeen deegaanka Cabdalla Biroole ee gobolka Jubbada hoose oo ay shalay isaga baxeen.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubaland ayaa tan iyo bilowgii bixitaanka Ciidamada ATMIS la wareegay saldhigii afaraad taasoo muujinaysa sida ay ugu diyaarsanyihiin la wareegista Amniga guud ee deegaanada Jubbaland.

Col Maxamed Xassan Barre (Gaboobe) Talyaha Guutada koowaad ee Ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo saraakiisha ATMIS kala wareegay saldhigga Cabdalle Biroole ayaa sheegay in ay u diyaarsanyihiin sidii ay ay gacan buuxda ugu hanan lahaayeen amniga guud ee Jubbaland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More