ATMIS oo war ka soo saartay weerarkii Shabaab ay ku laayeen Shacab ku sugnaa Hiiraan.

Sept. 04 (Jowhar.com)-Howlgalka Midowga Afrike ee ka socda Soomaaliya ayaa ka hadlay weerarkii kooxda Al-Shabaab ayshalay dadka shacabka ahaa ku xasuuqeen kaasoo la dhacay inta u dhexeysa magaalooyinka Maxaas iyo Beledweyn ee gobolka Hiiraan.

Qoraal ka soo baxay howlgalkan ayaa lagu sheegay iney si aad ah uga xun yihiin dhibaatada loo geystay dadkaasi shacabka ah, iyagoo tacsi u diray ehelada dadka geeriyooday.

Waxa ay hadalkooda sii raaciyeen iney ka go’antahay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka Soomaaliya si loo helo nabad iyo amni ka dhalata Soomaaliya.

“ATMIS waxa ay u tacsiyeynayaa qoysaska dadkii la dilay, walina waxaa ka go’an in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka Soomaaliya si loo helo nabad iyo amni ka dhalata Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Deegaano kudhow goobaha dadkaasi shacabka ah lagu laayay waxaa ku sugan ciidamo Jabuutiyaan ah oo qeyb ka ah howlgalka midowga Afrika ee magaciisa loo yaqaano ATMIS, mana jirto wax dhaq dhaaaaqyo ah ay uga jawaabayaan dadkii la xasuuqay.

Weerarkaasi shacabka badan lagu laayay ayaa ku soo beegmaya xilli Hiiraan ay ka socdaan dagaallo ka dhan ah Al-Shabaab, kadib markii ay howlgallo ku qaadeen ciidamada huwanta iyo maleeshiyaadka Macawiisleyda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More