AUN Abwaan Hadraawi oo lagu aasay Hargeysa iyo madaxweynaha Somaliland oo ka qeyb galay.

August 19 (Jowhar.com)-Alle ha u naxariistee waxaa maanta magaalada Hargeysa lagu aasay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo ka mid ahaa shaqsiyaadka lafdhabarka u ah fanka Soomaalida.

Aaska Abwaanka waxaa ka qeyb galay Kumanaan dadweyne ah oo isaga kala yimid gobolada dalka iyo qaar kamid ah dalalka caalamka, kuwaasoo ka sheekeeyay taariikhda marxuumka, iyagoo Alle uga baryay inuu Janadiisa ku irzaaqo.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo kamid ahaa mas’uuliyiintii ka qeyb gashay aaska Abwaan Hadraawi ayaa shacabka Somaliland iyo umadda ku hadasha Afka Soomaaliga uga tacsiyadeeyey geerida Abwaan Hadraawi.

Dadka aaska ka qeyb galay waxaa kamid ahaa wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo Hargeysa u tagay ka qeyb galka aaska, isagoo Alle dambi dhaaf u weydiiyay marxuumka

AUN Hadraawi oo ku dhintay da’da 79 jirka, ayaa 1943-kii ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer, wuxuuna isaga oo yar uu aaday dalka Yemen oo uu ku sugnaa ilaa xornimadii, markaasi oo uu usoo wareegtay Muqdisho.

Hadraawi wuxuu sameeyey ruwaayado iyo heeso aad u caan baxay sida, heesta Hooyo, heesta Beledweyne iyo Nebi Ammaanka Ergadii Furqaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More