Axmed Karaash oo ‘keligii talisnimo’ ku eedeeyey iyo awood marooqsi Madaxweyne Deni

Dec 11 (Jowhar.com)- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Karaash ayaa ‘keligii talisnimo’ ku eedeeyey iyo awood marooqsi’ Madaxweyne Deni.

Tani waxa ay imanaysaa xilli laysku-mari la’yahay muddo-kororsi sannad ah oo ay Baarlamanku samaysteen ka dib guddoonkii isimmada SSC-khaatumo, iyada oo Guddoonka Baarlamanka & Karaash ay taageersan yihiin muddo-kororsiga.

“Madaxweynuhu wuxuu caadeystay keligii talisnimo iyo inuu awooda dowladda isku koobo kana dheeraado talooyinka dadka wax galka ah, taas oo natiijadeedu markasta kusoo dhammaato fashil.” Ayuu qoraalkiisa ku sheegay.

Axmed Karaash oo deegaan ahaan SSC kasoo jeeda ayaa dhinaca kale wixii dhibaata ah ee ka dhalata go’aanada aan lagula mideysneyn ee uu soo saara madaxweyne Deni uu isaga qaadayo mas;uuliyada wixii cawaaqib xumo ah ee ka dhashay.

“Hadaba waxaan wax-garadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland u cadaynayaa in hadii uu qaado talaabo aan heshiis lagu ahayn taas oo taabanaysa Arrimaha Masiiriga ah  uu qaadi doono cawaaqib xumada ay dhasho.” Ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

Si kastaba, Buuq, Sawaxan iyo aragtiyo is diidan ayaa hareeyey fadhiga baarlamaanka Puntland, guddoonka ayaa doonaya in la buriyo go’aankii Maxkamadda Sare, ee ay shalay ku fasirtay in Mudo kororsigii goluhu sameysteen uusan sharciyad haysan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More