Axmed Madoobe iyo safiirka UK oo ka wada hadlay dagaalka Shabaab

Aug. 12 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Aqalka martida kulan kula yeeshay Safiirka UK ee Soomaaliya Mike Nithavrianakis oo booqasho ku yimid Jubaland.

 

Kulanka ayaa lagaga hadlay Dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo sidii loo xasilin lahaa deegaanada la xoreeyay dadka ku noola ay u heli lahayeen kaalmo deg deg ah.

Waxaa kale oo Kulanka lagaga hadlay qorshayaasha hormarinta kala duwan gaar ahaan tageerada dhinacyada hormarka iyo dib u dhiska iyadoo Madaxweynaha uu Kulanka ku wehelinayay Wasiirka Caafimaadka Eng ismaciil Axmed Garas iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Khaliif Yuusuf Maxamed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More