Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay Kismaayo, kana hadlay safarkiisii Muqdisho.

June 14 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamylka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo kadib safar maalmo qaatay oo uu ku joogay Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.

Madaxweynaha ayaa Magaalada Muqdisho kaga qeybgalay caleemo saarka Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo shirkii Golaha wadatashiga Qaranka ee lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho.

Waxaa Madaxweynaha garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud iyo masuuliyiin kala duwan.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More