Axmed Madoobe oo gaaray Baydhabo iyo wararkii u danbeeyay shirka
Mar. 15 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayo oo katirsan labada gole ee Jubaland ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo.
Madaxweynaha ayaa ka qeybgalaya shirka madasha wadatashiga oo lagaga hadlayo qodobo kala duwan, waxaana halkaasi uga sii horeeyay Xasan Sheekh,Xamze Cabdi Barre,Kuxigeenkiisa Saalax,Duqa Muqdisho, Cali Guudlaawe,Axmed Qoor qoor iyo Madaxweynaha martida loo yahay Lafta-gareen.
Shirka oo goordhow furmaya ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka, ammaanka, siyaasadda, dastuurka, dagaalka Al-Shabaab iyo arrimaha dhaqaalaha.
Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ka maqan shirka ayaa ku gacan seyray waan-waan iyo fariimo dhex-dhexaadin ah oo uga timid dhanka wakiiladda beesha caalamka, isagoo ku adkeystay inuusan xaadirin shirka khilaafka kala dhexeeya madaxweyne Xasan iyo Axmed Madoobe darteed.
Wakiiladda Caalaamiga ah ayaa Saciid Cabdullaahi Deni ka dalbaday in shirkaasi uu xaadiro, islamarkaana uu halkaasi kusoo bandhigo tabashadiisa, si xal wada-jir ah looga gaaro, balse soo jeedintaas Deni wuu iska diiday.