Axmed Madoobe oo gaaray Nairobi iyo mucaaradka oo beri ku wajahan

29

Dec 08(Jowhar)-UPADTE: Magaalada Nairobi waxaa isugu tagayo Madasha Mucaaradka iyo Madaxda Maamulada Putland iyo Jubbaland.

Sida xogihii u danbeeyay ay sheegayaan, Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa galabta gaaray Nairobi, iyado ay halkaasi sii jogeen xubno ka tirsan Madasha mucaaradka ah. Saciid Deni iyo  xubno kale oo Madasha ka tirsan  Muqdisho ku sugan ayaa Nairobi tagidono beri.

Kulamo siyaasadeed oo lagu gorfeyno xaalada siyaasadeed Soomaaliya ayaa halkaasi ka dhacayo, kulanka Nairobi ayaa noqday mid ay wadaan Dowladdaha saameynta ku leh Soomaaliya waxaana laga soo hormariyay shirka Kismaayo oo dood adag ay ka taagantahay xubnaha ka qeybgalayo qaarkood, madaama diidmo ay kala kulmeen mucaardka dhexdiisa .