Axmed Madoobe oo ka dalbaday dowladda Federaalka inay ku soo wareejiso Maamulka Gedo

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlaya shirka SPF ayaa sheegay in doorashada xilligan ay tahay mid xasaasi ah, isagoo ka warbixiyay caqabadaha ka jira heshiiskii lagu gaaray magaalada Muqdisho bishii September.

Axmed Madoobe oo khadka Online ee Zoom-ka uga qeyb qaadanayay Shirka Somalia Partnership Forum ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inay ka gaabisay waxyaabo aheyd in la fuliyo saddexdaas bilood si doorasho u dhacdo, gaar ahaan wixii looga hadlay shirkii Muqdisho ee mabda’ahaan loogu heshiiyay arrinta Gobolka Gedo.

waxaan cabasho ka muujinay arrinta gobolka gedo, taasoo machaneeda ahaa in doorashada la qabto deegaan walba waxa sharciga siinayo u qabto doorashada waxaa kow aheyd mudadaas saddexda bilood ku dhow heshiiska aan galnay mabda’iyan in la xaliyo arrinta gobolka gedo, kama jiro maamul jubbaland jabhado iyo maleeshiyaad loo diray ayaa jooga hal mas’uul oo Jubbaland ka soo jeeda oo gobolkaas jooga ma jirto, calaamada la sitcimaalayo waa tii Jubbaland, waxay aheyd dib u heshiisiin in la sameeyo, oo maamulka Gedo ku soo wareejiso Jubbaland  marka dib u heshiisiin loo sameeyo ayaala qaban karaa doorasho Jubbaland maamuleyso,”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa sheegay in Guddiyadii ay u magacaaban yihiin, balse saddexda bilood ee ay qeylinayeen aanay dowladda waxba ka qaban, iyadana ay Gedo gacanta ku heyso, sidaas darteed laga rabay inay Ciidamada ka saarto Gedo, isla markaana sameyso dib u heshiisiin, Maamulka gobolka ay soo wareejiso.

“Marka Jubbaland doorashadeeda labo meel ku qabaneyso, maamulada kale ee Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed labo meel ku qabanayaan, Jubbaland ma doorashada hal meel bey ku qabanayaan, hala qeexo Jubbaland meesha wax ku qabaneyso ma Gobolka Gedo jubbaland ayaa xaq u leh mise dowladda Federaalka, waxaa ka rabnaa dowladda Federaalka inay qoraal soo saarto oo ay tiraahdo Gedo waa la wareegnay, iyagoo sababeynaya”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa xusuusiyay Ra’iisul Wasaare Rooble inuu qaato doorkiisa, maadaama aanu aheyn Musharax, doorka uu ku leeyahay ka qaato shaqada socota si xal loogu helo khilaafaadka jira

Ugu dambeynWaxaa uu sheegay in loo baahan yahay Doorasho la isla ogolyahay oo la tashiga iyo dhagaysiga dadku ay udub dhexaad u yihiin si gaar ah Arimaha Gobolada waqooyi ayuu sheegay in ay muhiim tahay in dib loo eego iyadoo aan la iska Indho tiraynin dadka tabashooyinka qaba gaar ahaan Gudoomiyaha Aqalka Sare oo mid kamid ah xilalka dalka ugu sareeya ku matala Gobolada waqooyi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More