Axmed Madoobe oo ka hadlay arrimaha gobolka Gedo

May 20 (Jowhar.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam o dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay xaaladaha cusub ee dalka gaar ahaan arrinta gobolka Gedo.

Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in sanadahii lasoo dhaafay Jubaland ay dhibaato culus kasoo gaartay khilaafad ay abuurtay Dowlada Federaalka ah gaar ahaan Gobolka Gedo Madaxweynahu wuxuu sheegay in la xalin doono wax walba oo caqabado ah oo jiray isla markana caqabadaha gobolkaas ka jiray ay ahayeen kuwo dano gaar ah laga lahaa balse aan qusayn bulshada deegaanka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in maanta laga bilaabo la fasaxay dhamaan tageeradii iyo adeegyadii hormarinta ee gobolka ka xayiraa sanadahii lasoo dhaafay ee heer Federaal iyo heer Jubaland isagoo intaas ku daray in dhismaha golayaasha deegaanka laga bilaabi doono Degmada Garbahareey ee Xarunta gobolka Gedo isla markana aanay jirin maamul Cusub oo gobolkaas loo magacaabayo dadka deegaankuna ay soo dooran doonan dadka matalaya.

Ugu danbayn Madaxweynahu wuxuu sheegay in kala aragti duwanaantii iyo khilaafkii Dowlada Federaalka ah ay gobolkaas ka abuurtay aan cidna loo beegsan doonin dadka deegaanka iyo guud ahaan shacabka Jubaland ay u siman yihiin xuquuqaha ay xaqa u leeyahiin wax walbana wada hadal lagu dhamayn doono.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More