Axmed Madoobe oo maamul cusub u magacaabay gobolka Gedo

Jun. 07 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maamul u soo magacaabay Gobolka Gedo, xili gacanta maamulkaasi uu gobolka ka maqnaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Guddoomiyaha gobolka ayaa loo magacaabay Cabdullaahi Cadbi Jaamac. Sidoo kale xubnaha uu magacaabay Axmed Madoobe ayaa waxaa ku jira Cusmaan Nuur Xaaji Macallimuu oo mar kale loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda.

Gobolka Gedo ayaa horay u ahaa maamul aanu hoos-tagin Maamulka Axmed Madoobe, iyadoo intii uu xukunka joogay Madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo ay Gedo aheyd mid toos uga madax banaaneyd Kismaayo, halka talada iyo maamulkeeda toos uga imaanayay Muqdisho iyo Taliskii hore NISA.

Lama oga sida xubnaha cusub ee uu magacaabay Axmed Madoobe uga shaqeyn karaan Gobolka Gedo, maadaama siyaasiyiinta gobolka ay si weyn u diidan yihiin Axmed Madoobe, waxaana dhowaan Muqdisho loo diiday inay ka soo kacdo diyaarad sidday Mas’uuliyiin la magacaabay oo ku wajahnaa Doolow, taasoo dhalisay is mari waa maalmo hakad u galay duulimaadyadii Gobolka Gedo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More