Axmed Madoobe oo Mareykanka kala hadlay duulaanka ku foorara Shabaab

Apr. 13 (Jowhar.com)-Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa Magaalada Kismaayo kulan kula qaatay safiir ku xigeenka Maraykanka ee Soomaaliya Amb. Tim Trenkle oo safar shaqo ku yimid Jubaland.

Kulanka oo sidoo kale ay ka qeybgaleen Wasiirada Qorshaynta, Amniga, Arimaha gudaha iyo Madaxtooyada ayaa lagaga hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan howlgalada ka dhanka ah kooxaha khawaariijta ah iyo dagaalka dib loogu xoraynayo deegaanada Jubaland oo howlgalo isbada joog ah ay ka wadaan Ciidamada Jubaland.

Sidoo kale Waxaa Kulanka lagaga hadlay xasilinta deegaanada laga xoreeyay Argagixisada iyo sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada aas aasiga ah bulshada ku nool deegaanada la xoreeyay.

Waxaa kale oo Kulanka lagaga hadlay arimaha gargaarka iyo sidii xal waraa loogu heli lahaa musiibooyinka dabiiciga ah isla markana loogu caawin lahaa dadka dhibanayaasha u ah sidii ay uga soo kaban lahayeen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More