Axmed Madoobe oo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah kula kulmay Nairobi

Aug 20 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya maanta kulan kula qaatay Siyaasiyiinta Macaaradka ah ee Jubaland.

Kulankan ayaa lagaga hadlay sidii si wadajir ah looga qeyb qaadan lahaa hawlgalka lagu xoraynayo Jubaland oo qeyb ka ah Wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

Waxaa Sidoo kale Madaxweynahu uu Siyaasiyiintan Dowlada ka aragtida duwan ka dhagaystay aragtiyadooda iyo talooyinkooda wax ku oolka ah ee la xiriira Midnimada iyo wadajirka bulshada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More