Axmed Madoobe oo soo gaaray Muqdisho soona bandhigay arrin cusub.

June 07 (Jowhar.com)- Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa galabta soo gaaray Muqdisho, isagoo ka qeyb galaya munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Imaanshaha Axmed Madoobe ayaa ka duwaneyd safaradii uu horray ugu imaan jiray Muqdisho oo ay Ciidamo fara badan oo hubeysan soo hor-mar jireen, isagoo sidoo kalen deegaan ka dhigan jiray gudaha Hotelada ku yaal Garoonka Diyaaradaha.

Waxaa socdaalkiisa ku wehliyay Ilaalo dharcad oo kooban, waxaana uu degay agagaarka Madaxtooyada Villa Somalia oo muddo sanado ah aanu degin intii uu jiray mad-madowgii u dhaxeeyay Maamulka Jubbaland iyo dowladdii hore oo mar isku dayday inay ka soo xirto Kismaayo, iyadoo adeegsaneysay Ciidamo Kumaandoos Itoobiyaan ah.

9-ka bishan oo ku beegan Khamiista ayaa lagu wadaa iney Muqdisho ka dhacdo caleena saarka madaxweynaha cusub, iyadoo munaasabada lagu marti qaaday Madaxweynayaasha Jabbuuti iyo Kenya, Raysal Wasaaraha Itoobiya, Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida iyo Madax ka socota Soomaalida Kenya ayaa ka soo qaybgeleya iyo dabcan hoggaamiyayaasha Maamullada DFS.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More