Axmed Madoobe wakiil Jubaland u qaabilsanaan doona dalka Kenya

Sep 16 (Jowhar.com)- Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa magacabay wakiil maamulkiisa u fadhin doona dalka Kenya.

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxwaynaha Jubaland ayaa lagu sheegay in Sadiiq Cabdulahi Bogale loo magacabay wakiilka Kenya u fadhin doona dalka Kenya.

“Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Markuu arkay:-  Dastuurka Dowladda Jubaland,Cutubkiisa 4aad,Qodobka 72aad , Farqada(3aad) ee ku aadan awooda madaxweynaha ee magacaabida xubnaha Golaha Fulinta Jubaland, Markuu Latashaday:- Madaxweyne ku-xigeenada Dowladda Jubaland” ayaa ;lagu yiri wareegtada.

Majirto wax war ah oo ay dowladda dhexe kasoo saartay arrintan, waxaase laga cabsi qabaa iney xiisad hor leh ka dhex abuurto maamulka Jubaland iyo dowladda dhexe oo cilaaqaadkooda mudooyinkan uu wanaagsanaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More