Baarlamaanka iyo Mucaaradka Puntland oo ka soo horjeestay guddiga xallinta Khilaafaadka

Dec 13 (Jowhar.com)- Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Mucaaradka Puntland ayaa ka soo horjeestay guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada ee uu magacaabay Madaxweyne Deni.

Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa bayaan kooban oo soo saaray waxa uu ku sheegay in Madaxweyne Deni aysan ahayn kuwa qaban kara doorasho hufan oo dhammaan dhinacyadu ku kalsoonaan karaan.

“Waxaan caddaynaynaa in guddigaasi aanu jidaynayn doorasho hufan oo ay ku kalsoonaan karaan musharrixiinta tartamaya” ayaa lagu yiri bayaanka.
Sidoo kale Mucaaradka Puntland ayaa ku gacan sayaray guddi uu magacaabay madaxweynaha maamul goboleedkaas kaasoo loo xil saaray ‘ansixinta iyo xallinta khilaafaadka golaha wakiillada’.

Faarax Cali Shire oo ka tirsan mucaaradka ayaa sheegay in ay u arkaan guddigaas mid aan dhex dhexaad ahayn, oo aan la marin shuruudihii lagu soo xuli lahaa.

Wuxuu Faarax Cali Shire intaa ku daray in aan la marin nidaamkii lagu soo xuli lahaa xubnahaas ee ay ahayd in madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ay ka wada tashadaan.Xubnaha guddigaas waxay isugu jiraan dad siyaasiyiin ah iyo kuwo aan siyaasadda ku jirin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More