Baarlamaanka Jubbaland oo maanta dhagaysanaya hadaljeedinta 8 musharax oo Aqalka Sare u tartamaysa

Xildhibaannada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta oo Arbaco ah dhegeysanaya khudbadaha Siddeed musharax xubnaha u tartamaya Aqalka sare ee laga soo doorto maamulkaas.

Musharrixiintaas oo gaaraya 8 Xubnood ayaa ku tartami doona Afarta Kursi ee Jubbaland uga harsan 8 kursi uu Maamulka Jubbaland ku leeyahay Aqalka Sare.

Shan ka mid ah musharaxiintan ayaa ah dumar iyadoo 2 ka mid ah kuraasta loo tartamaya ay gaar u tahay haween ayaa waxa ay kala yihiin;

1: Layla Nuux Maax
2- Xareedo Maxamed Sheekh

1:Ibrahim Awgaab Cismaan
2-Farxiya Macalim Cabdi

1: Maryan Faarax Kadiye
2;Samsam Maxamed Bishaar

1: Xasan Daahir Yarow
2-Cali Maxamed Cali

Berri oo ah khamiis 21ka Oktoobay ayaa la qorsheeyay in ay dhacdo doorashada afartan kursi ee ka harsanayd kuraasta Aqalka Sare ee laga soo dooranayay Jubbaland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More